Business Connekt
Waxaa caawa noo qabsoomay kulankii 1aad ee Business Connekt oo ah madal aan ugu talagalnay in bahda ganacsigu ay isku waydaarsadaan aqoon iyo khibrad ayna ku falanqeeyaan fursadaha iyo caqabadaha ku hareeraysan ganacsiyada dalka.

Kulanka waxaa ka soo qaybgalay madaxda dowladda Puntland oo ay ka mid yihiin Agaasimaha guud ee Bangiga Dowladda Puntland Mudane Khadar Ugaas Cabdi, iyo Agaasimaha Qorshaynta ee Wasaaradda Ganacsiga DPL Mudane Maxamed Saahid Cabdixakiin , bahda akadeemiyada, hal-abuurayaal ganacsi, madaxda shirkadaha dalka ee isgaarsiinta, bangiyada iyo hay’adaha maaliyadeed, warshadaha, iyo qaybaha dhismaha, tiknoolojiyadda, martigelinta dalxiiska, iyo adeeg-bixinta.




