By: Sominsight / 0 comment
Somali Annual Business Talk- PPPs in the Somali Context (The Case of Puntland)
Annaga oo kaashanayna Wasaaradda Ganacsiga, Warshadaha iyo Maalgashiga Dowladda Puntland, waxaan soo qabanqaabinnay madasha sannadlaha ee Somali Annual Business Talks oo markan diirradda lagu saaray mowduuca: Habka Iskaashiga Dowladda iyo Ganacsiga Gaarka loo leeyahay (PPPs).
Kulanka waxaa qayb ka ahaa falanqayn cilmiyeed ay ka qaybgaleen madax ka tirsan dowladda Puntland iyo khubaro kala ah:
– Maxamed Maxamuud Cabdullaahi Amiin, Guddoomiyaha Bangiga Dowladda Puntland
– Eng. Cabdisamad Maxamuud Maxamed, Agaasimaha Guud ee Wasaaradda Ganacsiga, Warshadaha iyo Maalgashiga Dowladda Puntland
– Ismaaciil Cabdullaahi Cilmi- Sharciyaqaan iyo bare sare
– Cabdifitaah Maxamed Cabdi Kismaayo, Ganacsade iyo maamulka shirkadda NECSOM
– Sahra Saalax Jaamac, khabiir ganacsi, xubin Bulshada rayidka ah, ahna xubin hore Guddiga Doorashooyinka Dowladda Puntland
Kulanka waxaa ka soo qabygalay mas’uuliyiin Dowladda Puntland oo ah xubno gole wasiirro dowladda Puntland oo uu ka mid yahay Wasiirka Wasaaradda Gargaarka iyo Maareynta Musiibooyinka DPL Cabdinaasir Yuusuf Xaaji; Wasiir kuxigeenka Wasaaradda Ganacsiga, Warshadaha iyo Maalgashiga Cabdikariin Maxamed Xasan; Agaasimaha Wasaaradda Qorshaynta iyo Xiriirka Caalamiga ah Eng. Cabdiqaadir Bootaan Shabeel; mas’uuliyiinta hey’adaha maaliyadda, bangiyada iyo shirkadaha maalgalinta, ganacsato, bulshada rayidka, iyo khubaro ku xeel dheer arrimaha sharciga, ganacsiga iyo dowladnimada. .
Kulanka ayaa si weyn looga lafaguray Iskaashiga Dowladda iyo Ganacsiga Gaarka loo leeyahay (PPP), doorkiisa horumarinta adeegyada bulshada, yaraynta caqabadaha maalgelinta, iyo dardargelinta horumarka Puntland. Waxa kale oo lagu falanqayn qoto dheer lagu sameeyay ah baahida loo qabo nidaam sharci oo lagu hago iskaashiga noocan ah, shuruudaha guusha iskaashiga noocan ah, fursadaha maalgashi, doorka dowladda, iyadoo goobta laga soo jeediyay talooyin wax ku ool ah oo lagu xoojinayo nidaamka PPP-da.












Sidoo kale, goobta waxaan ku soo bandhignay oo aan ku qaybinay cadadkii 2aad ee majalladda Somali Insights, oo ah majallad xoogga saarta arrimaha ganacsiga, dhaqaalaha iyo horumarka dalka.
